Doorashada Aqalka Hoose ee Jubaland oo la hakiyay

219

Wararka Xaqiiqatimes uu ka helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  ayaa sheegaya in Guddiga Doorashooyinka dadban ee Maamulka Jubbaland uu dib u dhigay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer maamul gobaleed  ayaa sheegay in la Hakiyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulka Jubbaland islamarkaana uu jiro Cabasho ay qabaan qaar kamid ah Beelaha Dega Gobolada Jubbooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in Sababta loo Hakiyay doorashada Aqalka Hoose  ay tahay Cabsi laga qabo in lagu shubto doorashada islamarkaana hoolka doorashada lagu xareeyay Ergo aan aheyn kuwa saxda ah.

Shalay ayey aheyd markii Hanti dhowraha Guud ee Soomaaliya uu sheegay in Doorashooyinka ka socda Maamul Goboleedyada lagu shubtay oo uu jiro Musuq Maasuq kii ugu xumaa sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee her Federal ayaa walaac ka muujiyay qaabka loo wado doorashada xubnaha Aqalka Hoose kuwa matali doona maamulka Hirshabelle.

Warkan ayaa timid ka dib markii magaalada Jowhar ay ka dhaceen rabashado gacan ka hadal ah oo la xiriira doorashada.