Doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya ayaa dib uga billaabatay magaalooyinka xarumaha u ah 4 Maamul gobaleed ee kala ah Jowhar,Baydhabo Kismaayo iyo Cadaado.
Xildhibaan C/Wali Max’ed Qanyare Afrax oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Cadaado.
Amaanka Magaalada Cadaado ayaa aad loo adkeeyay, waxaana soconaya doorashada xubnaha kale ee matali doona maamulka Galmudug.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa ilaa hadda soo baxay Saalim Caliyow Ibroow, oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii wadanka soo maray.
Waxaana uu ka mid noqonayaa Xildhibaannada soo laabtay ee matali doona maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.