Doorashada Aqalka Hoose oo dib uga bilaabatay Jowhar iyo wafdi gaaray halkaasi

278

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa maanta waxaa dib uga bilowday doorashada Aqalka Hoose oo maalmihii lasoo dhaafay hakad Ku jirtay.

Doorashadan ayaa dib u bilaabatay kadib markii sida la sheegay la xaliyay isqabqabsigii iyo murankii u dhaxeeyay ergooyinka iyo musharixiinta.

Waxaa dadka tartamaya ka mid ah wasiirkii hore arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Ammaanka magaalada ayaa lagu soo waramayaa in aad loo adkeeyay.

Dhanka kale wafdi kasocda midowga Afrika oo uu hogaaminayo wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Faransisco Madeira.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay la kulmaan guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi.