Doorashada Aqalka Hoose oo lagu wado in barri ay bilaabato

321

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mid ah Maamul gobaleedyada uu haatan diyaar u yahay inuu bilaabo doorashada Aqalka Hoose .

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano  (FIEIT),
Mr. Cumar Maxamed Cabdulle, ayaa sheegay inuu Ku kalsoon yahay inay bilowdaan doorashada Aqalka Goose gaar ahaan kuwa matali doonaa maamulka K/Galbeed Soomaliya.

Mr Cumar ayaa hadalkan ka dhawaajiyay ka dib markii shalay Magaalada Baydhabo ay gaareen wafdi uu isaga hogaaminayay, kuwaasi  oo halkaa u tagay indho-indhaynta diyaar-gorowga doorashada.

Guddiga Doorashada Dadban ayaa maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa inay gaaraan Magaalooyonka Jowhar, Garowe iyo Cadaado.

Wafdiga ayaa markii ay Baydhabo gaareen waxaa ay la kulmeen Gudoomiyaha gudiga doorashada maamulka K/Galbeed Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Mursal, ayagoo ka wada-hadlay diyaar-gorowga doorashada Aqalka Hoose.

Maalinta barri oo Talaado ah  oo ay taariikhdu ku beegan-tahay 01 /11/2016 ka ayaa waxaa loo qorsheeyay inay ku bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee dowladda soo aadan.

Beesha Caalamka ayaa maalin ka hor war ay soo saareen waxaa ay wel-wel kaga muujiyeen dib u dhac Ku yimaada doorashada mar kale.

 

30053295583_ba060b81e3_b30650415486_c4a66f4280_b30682996895_b61c689356_b30646228816_44bde00b5a_b30049267363_f28ef0555f_b30683006645_379e1dc842_b