Doorashada Aqalka Hoose oo maanta la soo gebagebaynayo

157

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Gaadiidka Booliska maanta waxaa ka dhaceysa Doorashada xubnaha xildhibaanada Golasha shacabka iyo mida Aqalka Sare ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland.

2 xubnood oo Golaha shacabka ah iyo 2 xubnood oo Aqalka Sare ah ayaa maanta lagu dooranayaa xarunta Gaadiidka Booliska, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Guddiga Doorashada Heer Federaal.

Waxaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo Doorashada xubnaha ka imaanaya Degaanada Gobolada Waqooyi, maadaama ay harsan yihiin oo keliya, 4-ta xubnood ee maanta la dooranayo.