Doorashada Aqalka Hoose oo maanta lagu soo gebagebaynayo Magaalada Kismaayo

246

Maamulka Jubaland ayaa maanta la filayaa inuu soo gebagebeeyo Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Maamulkaasi u matali doona Baarlamaanka soo aadan ee Soomaaliya.

wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta la dooran doono xubnihii ugu dambeeyay.

Jubaland ayaa waxaa u harsan 3 kursi oo qura, hadii ay maanta soo baxaan 3 daasi xildhibaan, Jubaland ayaa waxaa ay noqon doontaa maamul gobaleed-kii ugu horeeyay ee soo afjera doorasha Aqalka Hoose.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay ku rajo wayn yihiin in maamul gobaleedyada ay kusoo afjeraan doorashada mudo 10 maalmood gudahood.

Xubnaha guud ee ka imaan doona deegaanada maamulka Jubaland ayaa waxaa ay gaari doonaan 43 mudane.

Sidoo kale magaalada Garowe wararka aan ka helayno waxaa ay sheegayaan in maanta ay dib u bilowdeen doorashada Aqalka Hoose.