Doorashada Aqalka Hoose oo wali ka socta Garowe

237

Doorashada Aqalka Hoose ayaa Wali ka socota Magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland .

Doorashada maanta  ka socota Magaalada Garowe waxaa lagu doortay xildhibaano cusub oo ka mid noqon doona Baarlamaanka soo aadan ee  Soomaaliya.

Kursiga 34-aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Dhulbahante/Reer Khaalid, waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48cod, halka Axmed Ibraahim Cawaale ( oo aan xarunta joogin) uu helay 2cod, waxaa xumaaday 1cod.

Kursiga 33aad  oo ah kursiga beesha Dhulbahante/Jaamac Siyaad, waxaa ku guulaysatay Canab Xasan Cilmi, oo heshay 45cod, Ifraax Nuur Maxamed ,waxay heshay 4cod, 1 codna waa  uu xumaaday.

 Doorashada ayaa Wali waa mid Socota, waxaana la filayaa in Dhowaan lasoo gebagebeeyo.
K/galbeed iyo Jubaland ayaa horay u soo gebagebeeyay doorashada labada Aqal ee baarlamaanka.