Doorashada Aqalka Sare oo dib uga bilaabatay Muqdisho

207

Xubno Saddex ah oo ka mid ah  xubnahii 5-ta ahaa ee ka harsanaa Aqalka sare ee Baarlamaanka ee  matalaadda Somaliland ayaa Maanta lagu wadaa in lagu doorto magaalada Muqdisho.

Xubno ka Tirsan guddiga doorashooyinka Goballada waqooyi ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihin dhameytirka xubanaha ka harsan Aqalka Sare ee mataaladda gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Xubanaha Maanata la dooranayo ayey doorashadooda dib u dhacday dhowr jeer sababo la xiriira khilaaf dhanka awood qeybsiga.

guddiga doorashooyinka

Dhanka kale warar hadda na soo gaaray ayaa waxaa ay sheegayaan in doorashadu ay bilaabatay.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa kusoo baxay doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee ka socota Magaalada Muqdisho.

Ayuub waxaa uu helay codad gaaraya 39 cod.

Ergada goobta ayaa joogtay ayaa waxaa ay dhamaayeen 45 .

Waxaa Ayuub kursiga kula tartamaayay

Xuseen Ceelabe Faahiye

Maxamed Aadan Waaberi

Axmed Cabdi faahiye

Waxaa uu nasiib u yeeshay in uu ku guuleysto kursiga Aqalka Sare ee gobolka Awdal umatali dowladda Soomaaliya.

Ayuub ayaa ka mid ahaan  jiray Shaqaalaha Xafiiskii Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid.