Doorashada Dalka Tunisia oo ay isugu soo hareen Al-baaji iyo Al-munsif

267

Dalka Tuunis oo ah dalkii ugu horreeyey ee kacdoonka carabtu ka dhacay ayaa doorashadii tartanka Madaxweynaha ee ugu horeysey oo dhacday 23 nufember 2014 ka ayaa waxaa wareegga labaad isku soo haray Guddoomiyaha xisbiga Nidaau Tuunis Albaaji Qaaid Alsibsee iyo Almusif almarzuuqi oo ah madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Tuunis , taladana qabtay markii kacdoonkii ka dhacay tuunis xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Sayn al-Caabidiin.

Guddiga doorashada Tuunis ayaa shaaca ka qaaday in Albaaji, uu wereegga koowaad helay 39.46% halka Almunsif almarsuuqi, uu helay 33.4%. Albaaji ayaa xisbigiisu ku guuleystey doorashadii barlamaanka.

Albaaji, ayaa ah nin aad loo xushmeeyo oo da’ah , 88 sano ayuu jiraa, wuxuuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii Burqiiba iyo Sayn alcaabidiin, laakiin sida lasheegayo caafimaadkiisu waa uu fiicanyahay.

maadaama ayna jirin cid ku guuleysatey wareeggii koowaad ee doorashada waxaa guddiga doorashadu ku dhawaaqeen in wareegga labaad uu dhicidoono dhammaadka bisha disenber ee sanadkaan.

Dalalka Carabta ayaa isha ku haya sida ay suuragal u noqon karto dimuquraadiyadda Tuunis sida ay noqon doonto.

Xisbigii islaamiga ahaa ee Nahada ayaa aan cidna u sharraxin doorashada madaxtinimada isagoo noqday xisbiga labaad ee barlaamka,  waxaana la tilmaamaya in taageerayaalkoodu ay labadaan murashax midkood u codeyn doonaan.

Alnahada cidda ay u codeyso haddii uu guuleysto waxay noqoneysaa tajrubo cusub oo islaamiyiintu lasoo baxeen oo dalal badan ay ku dayan doonaan. Islaamiyiinta  Soomaaliya ayaa isha ku haya Guusha iyo guul darida islaamiyiinta Tuunista Cusub.