Doorashada gudoonka Baarlamaanka oo bilaabanaysa

210

Doorashada gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa goor dhow bilaabaysa, ayadoo xarunta golaha shacabka ay xaadireen xildhibaano gaaraya 249 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan.

Doorashada ayaa maanta waxaa ku tartamaya afar musharaxa oo kala Cabdifataax Maxamed Ibrahim Geesey, Cabdirashiid Maxamed Xidig, Idris Cabdi Dhaqtar iyo Gudoomiyihii hore baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qofka ugu horeeya ee codayn doonaa waa gudoonka KMG ah ee baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore, waxaa ku xigi doonaa gudoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Amaanka xarunta ayaa aad loo adkeeyay. Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa xiran.