Doorashada KG: 5 Musharax oo Mukhtaar Roobow u tanasulay

111

Murashaxiintii Koonfur galbeed ee ku Midoobey isbeddel-doonka ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegay inay u tanaasuleen murashaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Kooxdan musharixiinta ah waxaa ay adkeeyeen xuquuqda  Dastuuriga ah ee  federaalka siinayo dadka reer koonfur galbeed inay yeeshaan maamul  u madaxbannaan.

Waxay sidoo kale qoraalka ku xuseen inay jirto faragelin toos ah oo ay dowladda federaalka ku heyso nidaamka doorasho ee Koonfur galbeed.

Duruufahan iyo qaar kale oo ay tahay rabitaanka bulshada ayey sheegeen inay go’aansadeen in murashaxooda uu noqdo Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow.

Wararku waxaa ay ku waramayaan in Musharixiinta  u tanasulay Mukhtaar Roobow ay kala yihiin:-

1-Maxamed Aadan fargeeti, wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya

2- Eng. Saalax Sheekh Cismaan, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya

3- Xasan Macallin, xildhibaan hore oo federaalka ah.

4- Yuusuf Baadiyow, wasiirkii hore ee Dakadaha Soomaaliya

5- Musharrax Xuseen Kushuk