Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa bilaababaysa goor dhow taasi oo ka dhici doonta xarunta ciidanka cirka ee Soomaaliya ee Afasiyooni, oo Ku dhow garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaano badan, guddiga doorashada madaxwaynaha Soomaaliya Marti kale iyo korjoogayaal ayaa Ku sugan xarunta doorashada.
Ammaanka xarunta ayaa aad loo adkeeyay ayadoo xitaa xildhibaanada la baaray inta aysan galin xarunta.
Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa sugaya Ammaanka xarunta Afasiyooni oo doorashada madaxwaynaha ka dhacayso.
Halkan. Ka akhriso magacyada musharixiinta.
- Axmed Maxamed Cabdi
- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
- Bashiir Raage Shiiraar
- Jabriil Ibraahim Cabdulle
- Xasan Sheekh Maxamuud
- Saciid C/laahi Deni
- Dr. Saciid Ciise Maxamuud
- Shariif Sheekh Axmed
- C/naasir Cabdulle Maxamed
- C/raxmaan C/shakuur Warsame
- C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
- C/laahi Ciilmooge Xirsi
- C/qaadir Cosoble Cali
- Cali Xaaji Warsame
- Cumar C/rashiid Cali Sharmaare
- Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
- Maxamed Axmed Jabarti
- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
- Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
- Maxamed C/risaaq
- Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.
Shacabka reer Muqdisho oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in guryahooda ay ka daawan doonaan Doorashada, maadaama ay sheegeen in ay sugayaan Hoggaamiye dalka iyo dadka wax u qaban kara, lana yimaada isbedel wanaagsan.