Doorashada Madaxwaynaha oo laga wareejiyay General Kaahiye

354

201725636218551245350401xildhibanada

Goobtii la  filyay inay ka dhacdo doorashada madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in laga wareejiyay.

Doorashada madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa qorshuhu uu ahaa in lagu qabto dugsiga tababarka booliiska General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa wararku ay sheegayaan in loo wareejiyay garoonka Aadan Cadde ama xarunta Afasiyooni.

Arintan ayaa timid ka dib markii 18 ka mid ah musharixiinta xilka madaxwaynaha Soomaaliya ay warqad u Doreen guddiga doorashada madaxwaynaha ayagoo dalbaday in xarunta ciidanka Booliiska.

Waxaa ay sheegeen inay ka baqayaan hadii halkaas lagu qabto inay dhacdo wax is-dabamarin ama in la musuqmaasuqo codka .

Gudoomiyaha guddiga doorashada madaxwaynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa VOA u sheegay in ay aqbaleen warqada musharixiinta ay usoo gudbiyeen.

Doorashada madaxwaynaha ayaa la filayaa inay dhacdo labo maalmood ka dib.

In ka badan 320 mudane oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanku ka kooban tahay ayaa dooran doona madaxwaynaha Soomaaliya hogaamin doona afarta sano ee soo socta.