Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Soomaliland oo lagu qabanayo Xalane

249

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu taageeray in doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha matalaya deegaanada Soomaaliland lagu qabto xarunta Xalane ee Magaalada Muqdishu, oo haatan xarun u ah howl-galka AMISOM.

Warqada ayaa lagu sheegay in la tixgalinayo go’aankii odayaashada dhaqanka ee ahaa in doorashada lagu qabto Muqdisho.

Arintan ayaa looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa habsami u socodka doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Soomaaliland.

img-20161205-wa0000