Doorashada xubnaha matali doona Soomaliland oo ka bilaabatay Muqdisho

220

Doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland ayaa  maanta oo Tallaado ah ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Kursiga 1aad waxaa ku tartamaya xubno uu ka mid yahay Ra’iisulwasaare kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Doorashada ayaa ka dhacaysa  Xarunta Gaadiidka Booliska  ee Magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii  13 ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Somaliland ay Codsadeen in Doorashadooda lagu qabto Xarunta AMISOM Ee Xalane,waxaana Codsigaas soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,balse lama oga waxa badalay Go’aankii Odayaasha.

Ammaanka Wadooyinka soo gala Xarunta Gaadiidka Booliska ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana Xiran Wadooyinka Dhowr ah.

Doorashada xubnaha Somaliland ee labada aqalka ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada uqdisho iyada oo Berrina uu Muqdisho ka furmayo Shirka madasha wadatashiga Qaran ee Soomaliya .