Doorasho deg deg ah oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar

216

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee  Xukuumadda Soomaaliya Max’ed C/Lahhi Xasan Nuux,  ayaa ku guuleystay doorasho kadis ahayd oo maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Doorashada ayaa la qabtay xilli hore oo  maabta ah sida ay ku waramayaan xogaha Xaqiiqatimes uu ka helayo halkaasi.

Wasiir  Nuux, ayaa waxaa la tartantay Gabar lagu magacaabo Hinda C/llaahi Cumar, taas oo heshay 5 cod kaliya halka Nuux uu ka helay  45 cod midna hallaabay.

Guddiga Doorashada dadban ee Heer Federaal  ayaa horay wasiir Nuux iyo musharrax la tartamayay ka reebay doorashada kadib markii ay ku lugyeesheen israsaaseyn ka dhacday goobta doorashjada oo ay dad ku dhinteen 18kii November.

Wali kama hadlin Guddiga doorashad heer Federaal doorashada saaka uu ku soobaxay Nuux oo horay tartankan looga reebay waxaana ay tani u muuqataa la hareer marayo sharciyada doorashada ee uu degsan Guddiga.

Kursi kale ayaa isna saaka doorashadiisa ka dhacday Magaalada Jowhar,waxaana ku guuleystay C/casiis Saalax Carmaan oo ahaa wasiir ku xigeenkii Beeraha.

Kursigan waxaa laga wareejiyay Muqdisho,waxaana ika leh Beesh Carab Somaali kaas oo uu dhawaanahan muran ka taagnaa halka lagu qabanayo.