Dowlad-xumida Soomaaliya iyo Sida Looga Bixi Karo

821

Waayo-aragnimadii laga dhaxlay dowladihii soo maray Soomaaliya waxay na barayaan in dhammaan dowladahaas ay ka sinnaayeen ka barakeysiga qabiilka, ku dhaqan la’aanta shuruucda dalka, xatooyada xoolaha dadka iyo dalka, ka jawaabis la’aanta baahida muwaadiniinta, howlgelin la’aanta dadka khibradaha aqooneed leh, ka faa’ideysi la’aanta kheyraadka dabiciiga ah, musuq-maasuq, qaraabo kiil, hay’ado dowladeed oo fadhiid ah, tixgelin la’aanta xuquuqda dadka la takooro iyo haweenka, ku tiirsanaanta iyo gacan hoorsiga waddamo qalaad iyo daryeel la’aanta qeybaha ugu nugul bulshada sida; carruurta, waayeelka, kuwa lixaadkoodu dhantaalan yahay, kuwa miirkoodu dhiman yahay iyo kuwa ku naafoobay difaaca dalka.

Qarni buuxa oo xornimo-doon ah iyo nus qarni madax-bannaani ah kaddib, xaaladda nolosha, dhaqaalaha iyo yididdiillada ay dadka Soomaalida ah ka qabaan sal u dhigista dowlad fir-fircoon oo maareysa amuuraha muwaadaniinta, isla markaana hanata gobonnimada buuxda ee dhulka Soomaaliya ayaa si aan caadi aheyn u hooseysa.

Iyadoo ay $55.3 bilyan oo dhaqaale macaawino ah soo galeen dalka wixii ka dambeeyey 1991, ayaa haddana boqolkiiba 73 ay qoysaska Somaalida ah ku nool yihiin xaalad saboolnimo ah. 43 boqolkiiba oo ka tirsan tiradaasna waxay ku jiraan nolol faqri xad dhaaf ah, hal mar ayayna wax cunaan 24-kii saac. 3.2 milyan oo Soomaali ah ayay noloshooda ku xiran tahay gargaar bini’aadannimo. Tan ugu daran waa iyadoo 3 milyan oo Soomaali ah ay qaangaari doonaan saddexda sano ee soo socota, iyagoo aan waxna qorin waxna akhrin. Xusuusnow kuwani waa hoggaamiyeyaasha dalka ee mustaqbalka.

Dhallinyarada Somaalida ah ee ay da’doodu ka hooseyso 35 jir oo tirokoobka dadka Soomaaliya ka ah boqolkiiba 63 ayaa rajada ay ka qabaan mustaqbal waxbarasho iyo shaqo ay aad u hooseysaa. Mid ka mid ah toddobadii carruur ah ayaa Soomaaliya ku dhinta inta uusan/aysan gaarin 5 sano. Dowladda iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya ayaa awooddoodii 80 boqolkiiba isugu geeyay arrimaha amniga oo 20 boqolkiiba ka ah dhibaatooyinka xalka u baahan.

Waa maxay Astaamaha Dowladda Wanaagsan?

Haddaba mar haddii aan soo ogaannay dhibaatooyinka laga dhaxlo dowladaha xun xun waxaa isweydiin mudan in la tilmaamo iyagana astaamaha lagu garto dowladaha wanaagsan oo shacabka u horseeda hurumar iyo nolol dhinac kasto leh.

Xilligan casriga ah haddii aad booqato goobaha wax lagu daraaseeyo, jaamacadaha iyo iskuullada waxaad arkeysaa in habka dowladda wanaagsan ay ka mid noqdeen waxyaaalaha loogu hadal heyn badan yahay, gaar ahaan marka laga hadlayo dhaqaalaha cilmiga ku dhisan iyo horumarka bulshooyinka. Daraasado badan kaddib waxaa la qeexay in ay dowlad-xumidu tahay asalka cudurrada bulshada iyo horumar la’aanta.

Maxaa loola jeedaa dowlad wanaag? Dowlad wanaag waxaa lagu qeexi karaa firfircoonaanta ay dowladi si habboon ugu mareeyso siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka arrimaha dalka, halkaasoo ay dowladdu dhiirageliso isku-xirnaanta iyo is-dhexgalka bulshada, iyadoo xaqiijineysa daryeelka iyo barwaaqeynta dadkeeda.

Dowlad wanaagsan xukunka ayay dalka ku baahisaa, awoodda iyo kheyraadka dalka ayayna dadkeeda dib ugu celisaa. Waxay fududeysaa dhidibbadana u aastaa hannaan ay bulshada rayidka ah iyo muwaadiniintu uga qeyb qaadan karaan talada dalka iyo siyaasadda. Waxay siisaa qeybaha bulshada oo ay ku jiraan dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka fursad ay ku cabbiraan dareenkooda, kuna soo dhacsadaan xuquuqdooda sharci, dhaqaale iyo bulsho.

Waxay furdaamisaa khilaafyada iyo is-faham-waaga kooxaha ku bahoobay qaranka. Bal qiyaasa sida ay xaaladdu ahaan laheyd haddii dadyowga adduunka ay ku qancaan ku hoos noolaanshaha maamul xun, halkaas oo aanu sharci, xaqsoor iyo addeeg bulsho midna jirin.

Farqiga u dhexeeya dowladaha horumaray iyo kuwa saboolka ah

Muhiimadda dowlad wanaagga waxaa laga dheehan karaa farqiga u dhexeya waddamada horumaray iyo kuwa saboolka ah. Farqigaas ma aha kheyraadka ku jira dhulkooda, balse waa heerka dowlada wanaagga, maalgelinta tacliinta sare, qorsheynta dhaqaalaha cilmiga ku dhisan iyo hiigsashada sancada sare.

Sidaas oo kale “waayo-aragnimada laga dhaxlay xukuumadaha Afrika, Bariga Dhexe iyo Laatiin Ameerika waxay na baraysaa in dowlad wanaagsan la’aanteed, sharciga oo aan la kor yeelin iyo baahida muwaadiniinta oo aan laga jawaabin aysan kheyraadka uu dal leeyahay iyo mucaawino shisheeye inta ay doontaba ha la ekaatee kolna dal ku toosin karin tubta toosan ee lagu hiigsanayo horumarka.

Hannaanka dowladda wanaagsan wuxuu dhammaan muwaadiniinta rag, haween, cirroole iyo carruurba siinayaa fursad ay ugu qeyb qaataan horumarka mustaqbalka dadkooda iyo dalkooda dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba.

Markii ay muwaadiniintu helaan fursadaas, maankooda iyo qalbigooduna aqbalo, xudduud ma laha heerka ay horumarka ka gaari karaan.” Khudbaddii caleema-saarka ee Kofi Anan, Xoghayihii hore ee Qaramada Middoobay, New York, July 28, 1997.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Middoobey ayaa horumarinta ku qeexay “hab dadka siinaya ikhtiyaar iyo fursad ay ku doortaan inay u noolaadan si dadnimo leh, fursaddaas oo dadka gaarsiineysa cilmi, una horseedaysa hanti ma guurto ah, dakhli joogto ah, cimri dheer iyo caafimaad qab.”

Markii ay xukuumaddu xil iska saari weyso mas’uulayaddii ay dadka u haysay, waxay lumisaa kalsoonidii shacabka, isla markaana waxaa burbura heshiiskii u dhaxeeyay dowladda iyo shacabka.

Waallida ugu weyn ee xukuumad ku dhacda waa iyadoo ku guuldarreysata wax ka qabashada kadeedka bulsho, dhaqaale iyo nabadgelyo oo haddana dooneysa in ay dadku dowladnimada jeclaadaan.

Si cagta loo saaro tubta toosan ee dowlad wannaagga oo fure u ah wadajirka dadka iyo horumarka, waa in la abuuro fursad lagu soo xulo hoggaamiye leh aragti dhow, mid dhexe iyo mid durugsan. Hoggaamiye ay ku abuuran tahay ruuxiyad geesinnimo, isla markaana leh hufnaan iyo karti uu dalka uga gudbiyo marxalada kadeedka badan.

W.D: Cali Axmed

Cilmi baare dhanka dhaqan-dhaqaale iyo arrimaha bulshada