Soomaaliya Iyo Itoobiya oo Xoojinaya Xiriirka Amni Iyo Midka Dhaqaale

274

Kulan ay Wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo dhiggiiaa Itoobiya Haile Mariam Desalegn ayaa xoogga lagu saaray sidii labada Dowladood ay iskaga kaashan lahaayeen Xoojinta Amaanka iyo dar dargelinta iskaashi dhaqaale oo dhax mara Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Sharma’arke  oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan wasiirro ay ka midyihiin Wasiirka Gaadiidka Cali Jaamac Jangeli,Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Mudane Xagaa iyo Safiirka Itoobiya u fadhiga Soomaaliya Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Desaglen ayaa sheegay in xilligan ay Dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al shabaab iyo xaqiijinta amaanka iyo dar darelinta dhaqaalaha.

Ra’iisulwasaare Cumar iyo Wafdigiisa oo socdaal rasmi ah ku tagay Itoobiya ayaa marka uu dhamaado waxa ay kaga sii gudbi doonaan Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo ay kulamo kula qaadan doonana madaxda dalkaasi.