Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada Hadlay arimaha Labada Dal

195

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dalka Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Dal ka dhaxeeya iyo iskaashiga dhaqaalaha iyo Militeriga kaasi oo labada mas’uul ay isla lafa gureen inta uu kulanka socday.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa guray xariirka Geeska Africa iyo sdiii layskaga kaashaan lahaa Amaanka waxaana inta uu shirkan socday laysku afgartay waxyaabihii ugu weynaa looga hadlay shirkan dhaxmaray Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Dalka Turkiga Soomaaliya u fadhiya.

Ugu Dambayntii kulanka kadib ayaa waxaa lagu balamay fulinta arimaha horumarinta ee ka socda Dalka lana xoojiyo fulinta si ay u noqdaan kuwa mira dhala.dibadda2dibadda333