Dowladda Ingiriiska oo Danjire Cusub u soo Magacowday Soomaaliya

221

uk

Dowladda Ingiriiska ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya. Safiirka cusub oo lagu magacaabo Harriet Mathews ayaa badaleysa safiirka shaqada ka tagaya Neil Wigan oo qaban doono jago kale oo diblomaasiyeed oo loo magacaabay  Ms Mathews waxa ay  xilka safiirno la wareegi doontaa bartamaha bisha June.

Haweeneydan ayaa ah  khabiir arrimaha Afrika, waxa ay madax ka soo noqotay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan Bariga iyo Galbeedka Afrika sida lagu sheegay qoraalka lagu magacaabay ee ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Ingiriiska. Danjire Harriet waxa ay horre uga soo shaqaysay wadamadda Baraasiil, Israa’iil iyo Afgaanistaan.