Dowladda Itoobiya oo sii deysay 2,000 oo qof

213

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka sii deysay illaa 2,000 oo ruux, kuwaasoo la xiray inta lagu guda jiray markii dowladda ku dhawaaqday xukunka deg deg ah, iyadoo dadkan lagu soo eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha ka socday qeybo ka mid ah dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya Siraj Fegessa ayaa bixiyay amarka lagu sii daayay dadkan, kaddib markii ay ka waantoobeen dhibaatadii ay wadeen.

Wasiirka ma uusan sheegin tirada dad  wali ku xiran xabsiyada Itoobiya, hase ahaatee tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid ka dhalatay cadaadiska dowladda uga imaanaya dibadda.

20-kii October ayaa ciidamada Itoobiya waxaa ay xabsiga dhigeen in ka badan 2,600 oo ruux, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay qalalaaso ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah wadankaasi.

Dowladda Itoobiya ayaa 9-kii bishii October ku dhawaaqday xukun deg deg ah oo soconaya muddo lix bilood ah, kaddib markii ay kordheen rabshadaha iyo  dibad-baxyada ka dhanka ahaa dowladda.

Kooxaha Mucaaradka ayaa horay u dalbaday in la siiyo xorriyad dhinaca siyaasada ah, iyadoo xukunka dalka ay hayaan Xisbiga EPRDF oo ka talinayay tan iyo sanadkii 1991.

Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada ayaa ku doodaya in awooda dalkaasi ay gacanta u gashay koox yar oo ka tirsan qowmiyada Tigreega, isla markaana laga tuntay xuquuqdooda.

Hay’addaha  u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa dhowaan sheegay in illaa 500 ruux ay ku dhinteen rabshadaha lagaga soo horjeeday dowladda Itoobiya, halka kumanaana xabsiyada loo taxaabay.