Dowladda Jabuuti ayaa sheecisay goobaha ay kasoo jeedin labada ruux ee isku qarcisay maqaayad reer galbbeedku u badanyihiin

139

Dowladda Jabuuti ayaa kadib in muda ah oo baaritaan ay kusameynayeen meydadkii dadki isku qarxiayay maqaayadi lagu caweynayay ayaa waxaa ay sheegtay in gabadh lagu magacaabo Hodan Maxamad Ciise ay  kasoo jeeday magaalada Hargeysa, halka wiilka lagu magacaabay Muuse Rooble Hiraab uu kasojeeday Dirir dhabe.

Labadaan qof ayaa inta aysan  isqarxin waxaa ay lajoogeen oo ay kusoo dageen guri dad ay ahel iyo qaraabo ahaayen. Iyaga oo soo galay Dalka Jabuuti 22dii bishaan, ka hor laba maalin kaliya inta aysan is qarxin.

Waxaa ay abaareen sida Dowladda Jabuuti ay sheegtay  maqaayada dadka reer galbeedka ah ay u badanyihiin iyaga oo isla mar ahaantaana  fuliyay qaraxa ay ku naf waayen sida labada ruux qudhooda iyo nin u dhashay Dalka Turkiga.

Sikastaba ha ahaate, Dadka soomaaliyeed ayaa aad uula yaaban dhalinyaradaas is qarxisay ee kasoo jeedo magaalooyinkaas, iyada oo dhinaca kale lawada sugaayay in loo nisbeeyo magaalada Muqdisho oo caan ku ah dhalinyarada isqarxisa.

Ugu danbey, dadka Soomaaliyeed ayaa aad usoo dhaweeyen baaritanka ay soo saartay Dowladda Jabuuti iyaga oo ku tilmaameen in ay tahay tilaabo looga baahan yahay in Dowladda Soomaaliya ay  ku dhaqaaqdo ugana dayato Dowladda jabuuti, taas oo ay muujiyeen in ay wax katari karto ammaan xumada dalka Soomalaiya, waxayna intaa kudareen in looga baahan yahay Dowladda Soomaaliya in ay ka gudubto cambaareynta joogtada ah iyo hadalada la xariiro sida waan fashilinay weerarki fuleynimada ahaa.