Dowladda Jibouti oo Golaha Ammaanka ku dacwaysay dowladda Eritrea

341

530512

Dowladda Djibouti, ayaa sheegtay in ciidamada Maleteriga dalka Eritrea ay usoo gudbeen buuralayda iyo Jaziirada la isku haysto ee xadka labadaasi dal.

Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Jibouti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamada xoogga dalka Jibouti la galiyay heegan buuxa ka dib markii maleteriga Eritrea ay qabsadeen buuralayda la isku haysto.

Waxaa uu sheegay in Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah dowladda Eritrea.

Arintan ayaa timid ka dib markii ciidamo ka socday dalka Qadar oo QM ay dhex dhigtay labadaasi dowladood ay isaga baxeen halkaasi.

Qadar ayaa qaatay go’aanka ah inay ciidamadeeda kala baxdo halkaasi ka dib markii dowladaha Jibouti iyo Eritrea ay xiriirka u jereen dalka Qatar, kuwaasi oo la saftay Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda oo cunoqabatayn dhaqaale, Dhul iyo Cirba leh ay kusoo rogeen dowladda Qadar.