
Dowladda Kenya ayaa wali aan dhaqan gelin qodobo ka mid ahaa heshiiskii bishii Maarso magaalada Nairobi, ay ku gaareen Madaxweyne Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Maxamed.
Ilo ku dhow dhow Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dowladda Kenya aanay wali dhaqan gelin heshiiskii dhinaca visaha ee Baasaboorada Servive iyo Diplomatic-ga Soomaaliya oo uu Madaxweynaha Kenya balan qaaday in dadka heysta visaha lagu siin doono garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Qodobkan heshiiskan oo lagu waday inuu dhaqan galo muddo labo todobaad ayaa wali waxba ka hirgelin, waxaana dad badan oo mas’uuliyiin ah ay arrintan kala kulmeen caqabado iyo xayiraad markii ay damceen in Muqdisho baasabooradooda uga dhoofaan Viso la’aan lagu celiyay garoonka Joma Kenyatta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in todobaadkii hore Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan madaxtooyada lagu celiyay garoonka Joma Kenyatta, waxaana saacado lagu xayiray garoonka, iyadoo arrintan xataa waxba ka qaban waayeen Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.
Agaasimaha Waaxda Socdaalka Kenya ayaa la sheegay in aanu wali fasax ka helin Madaxtooyada Nairobi, oo ku aadan ogolaanshaha in Viisaha Baasaboorada Service iyo Diplomatic lagu siiyo qaab On Arrival ah garoomada Kenya.
Sidoo kale Kenya ayaa wali dhaqan gelin in la furo kastamka xuduudaha sida Beled Xaawo iyo Mandhera.
Kenya ayaa illaa iyo hada ka dhaqan gelisay hal qodob afartii qodob ee labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen, kaasoo ah in duulimaadyada Muqdisho ka yimaada ay toos uga degaan Nairobi, iyadoo laga baaqsanayo Garoonka Wajeer oo 10-kii sano ee u dambeeyay diyaaradaha ku hakan jireen, dhib badan lagala kulmayay.
Bishii September ee sanadkii 2016 ayaa heshiis Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo dhigayay in muddo labo bil gudahood lagu dhaqan geliyo heshiiskaas ayaa sidii la rabay u fulin, waxaana ka mid ahaa in la fududeeyo in Muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo Visaha dal ku galka, kaasoo ah mid wali ay dadka si dhib ah iyo lacago fara badan ku helaan.