Dowladda Maraykanka oo 24sano kadib Soomaaliya u soo Magcaabatay Safiir.

192

War qoraal ah oo ka soo abxay aqalka Cad ee Maraykanka ayaa Dowladda Maraykanka waxa ay Soomaaliya u soo Magacaawday Safiir cusub 24sano kadib bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya,iyada oo loo magacaabay haweeneey muddo ka soo shaqaynaysay arimaha Diplumaasiyadda

Madaxweyanah Dalka Maraykanka Barck Obama, ayaa soo magacaabay haweeneeydan noqondoonto safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Maraykanka si u xoojiso arimaha diplumaasi ee ka dhaxeeya labada Dowladood Soomaaliya iyo Maraykanka.

Dowladda maraykanka ayaa laba sano ka hor waxa ay si rasmi ah aqoonsi buuxa u siisay Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud,waxaana tan iyo markaasi soo fiicnaanayay xariirka labada Dowladood ee ku aadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore waxa ay safiir cusub u magacaawday Dalka Maraykanka,kaasi oo loo magacaabay RW Cumar Cabdirashiid Cali Sharma arke,iyada hadda muddo kadibna loo magacaabay in uu noqdo RW Soomaaliya kadib markii codka kalsoonida ay weysay Xukuumaddii ra’iisulwasaare Cabdiweli Sh Axmed