Dowladda Masar oo gargaar bini aadamnimo soo gaarsiisay Soomaaliya

272

commandomk1egypt1980_usdoddfst8612643

Dowladda masar oo gargaar bini aadamnimo soo gaarsiisay Soomaaliya.
Gargaar isugu jira daawo iyo cunto oo dowladda Masar ugu deeqday dadka abaaruhu wax yeelan ayaa xukuumadda Soomaaliya ka guddoontay safiirka masar ee Soomaaliya daljire Waliid Ismaaciil oo ay weliyaan Qunsulka Masar ee Soomaaliya Tamer Safwat Al-Mahdi Waxaa kaalmada lagu goddoonsiiyey garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle Wasiiradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Drsa Fowsiya.

Waxaa kaloo munaasabdda ka qaybgalay taliyaha ciidamada qalabka sida jeneraal Cirfiid iyo masuuliin kale.
Diyaarad ah nuuca 130 ee milateriga Masar ayaa gargaarka keentay.
Danjirha Masar, Waliid, ayaa munaasabaddii wareejinta macaawanada ka sheegay in kaalmadaan ay tahay mid bilow ah oo Masar ugu deeqday walaalaha Soomaaliyeed ee abaartu ku habsatey, isagoo intaas ku daray in kaalmo kale ay masar keeni doonto soomaaliya toddobaad gudihiisa.