Dowladda Masar oo la wareegtay Dugsiyada 15 May iyo Sheekh Xasan Barsane

293

Dowladda Masar ayaa 25 sano kadib waxa ay ka howlgali doontaa Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada.

Waxaana hada waxbarashada ay si toos ah uga bilaabi doontaa Dugsiyada kala ah Sheekh Xasan Barsame iyo 15-ka May oo dhammaantood ku yaala magaalada Caasimadda ah ee Moqdisho.

Magaalada Moqdisho ayaa waxaa soo gaaray 15 xubnood oo ka socda Dowladda Masar, kuwaas oo isugu jira Macalimiin iyo Mamulayaal ayagoo ka howl-gali doonna Dugsiyada Sheekh Xasan Barsame iyo 15-ka May.

Safiirka dowladda Masar  u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta  sheegay in Dadka Soomaaliyeed  ay yihiin dadkooda sidoo kalena ay ka taageeri doonaan dhan walbo.

Safiirka ayaa sheegay in sanad-dugsiyeedkan ka dib ay gaari doonaan Iskuulo kale oo ku yaala gobolada dalka.

Masar ayaa waxaa ay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyada maleteriga iyo waxbarashada.