Dowladda Somaaliya oo ka hadashay shaqo-joojin ay sameeyeen gaadiidlayda

277

Dowladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay dibadbaxii maanta magaalada Muqdisho, ay ka sameeyeen wadadyaasha gaadiidka BL-ka ah.

Hanti- dhowraha Guud ee Qaranka, Nuur Faarax Jimcaale, iyo  Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa shir jar’aaiid oo ay ku qabteen Mgaalada Moqdisho ayaa waxaa ay ka hadleen Banaan-bax cabasho ah oo ay maanta magaalada ka dhigeen gaadiidlayda ka howl-gasha Gobalka Banaadir.

Labadan mas’uul ayaa sheegay in sharci darro ay tahay canshhuraha laga qaado gaadidka dadwaynaha iyo guryaha qaar kood.

Sidoo kale Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyn doonto sababta keentay in shirkad si gaara loo leeyahay in gacanta loo geliyo Ceymiska dalka.

Gaadiidleyda ayaa sheegtay in ay ogol yihiin lacagtii ay ka qaadi jirtay dowladda Soomaaliya ,laakiin ay jiraan lacago lagu sheegay caymis oo ay ka qaado shirkad Gaadiidleyda u soo martay dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa shir jaraa’id ku qabtay Gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho, waxaana ay ka hadleen cabasho ay sheegeen in ay ku heyso shirkada ceymiska ee Takaaful.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ay taageereen banaanbaxa iyo shaqo joojinta ay sameeyeen gaadiidlayda.

Halkan ka dhagayso Shirkooda Jaraa’iid.