Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wadahadlay Arrimaha Qaxootiga Soomaalida Yeman

 

banki

Madaxweyanaha Soomaaliya  iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon ayaa ka wadahadlay arimaha qaxootiga  Soomaalida kunool dalka Yeman oo xilligaan ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya Maleeshiyada Xuutiyiinta Iyo Ciidamada dowladda Yeman kuwaasi  oo saamayn ku yeeshay dadka qaxootiga ah ee ku nool Yeman.
Afhayeenka Madaxweyanaha Soomaaliya ,Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xilligaan aad uga walaacsantahay arrimahaqaxootiga waxa uuna sheegay intaasi ay soo dedejisay in madaxweyanahauu kulan la yeesho Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Ban-ki Moon.

Mudane Dauud Aweys ayaa sheegay in arrimahaasi loo xilsaari doono Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee UNHCR lana filayo  in ay dadkaasi dib loogu soo celiyo gudaha dalka.Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan taageertay dagaalka ka dhanka kooxdaXuutiyiinta ee dagaalka ka wada gudaha Yeman  kuna biirtay Dowladaha codka siiyay  in lalala dagaalo kooxda mucaaradka ee Yeman.

Dalka Yeman ayaa waxaa ku nool dad Soomaaliyeed oo isugu jira qaxooti iyo Ardey waxkabarta Jaamacadaha dalkaasi.