Dowladda Soomaaliya oo horumar ka samaysay nabadda Guriceel

Wafdigii uu hugaaminyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya jan Cabdulqaadir Diini, ayaa kulamo kala duwan laqaatay dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Guriceel ee Gobolka galgaduud six al looga gaaro dagaalka deegaanka ku soo laa laabtay.

Saraakiisha Ahlusuna Waljameeca, ayaa sheegay in ay dhankooda diyaar u yihiin wadahadal walba oo lagu xalinayo dagaalka laguna xasilanayo deganaanshaha deegaanka.

Madaxda Ahlusuna ayaa sheegay in ay deegaanka ay muddo kula dagaalameen Alshabaab xilligana ay ka sugayeen Dwoladda Soomaaliya si ka duwan waxa hadda dhacay oo ah dagaal lagula galay gobolka.

Wasiirka gaashaandhiga Jan Cabdulqaadir Xaaji Diini ayaa sheegay in dhinacyadu ay dhamaan diyaar u yihiin nabadaynta gobolka lana kala qaadayo ciidamada deegaanka iksu horfadhiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay si rasmi ah u guda gashay dagaalka ka socday Guriceel si ay ukala dhaxgasho dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka.