Dowladda Soomaaliya oo ka soo horjeesatay Saldhiga Imaaraadka uu ka dhisayo Berbera

448

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dowladda Sacuudiga ka codsaday in ay dowladda Imaaraadka Carabta [UAE]  ay kala hadasho joojinta Saldhigga Militari ee ay ka dhisanayso Magaalo Xeebeedka Berbera oo ka tirsan deegaanada hoos taga maamulka Somaliland.

Sidoo kale dowladda Sucuudiga ayuu ka  dalbaday Farmaajo in ay wada xaajood ay u furto Soomaaliya iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta ,kasoo ku aadan joojinta Saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta.

Dowladaha Sucuudiga iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana suurtagal ah hadii ay dowladda Sucuudigu ay soo jeediso Imaaraadka in ay joojiyaan Saldhiga Berbera in ay Aqbasho.

  Wargeysyada dalka Sucuudiga kasoo baxa ayaa qoray in Madaxweyne Farmaajo, uu dowladda Sucuudiga uu u muujiyay sida uu kaga soo horjeedo Saldhiga maleteri oo dhowaan ay ansaxiyeen baarlamaanka maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliland