Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in wadahadal diblomaasiyadeed lagu xaliyo Khilaafka Dowladdaha Carabta

349

som

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mowqif dhexdhexaad ah ka istaagtay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladdaha Carabta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay khilaafka soo gala dhexgalay dowladdaha khaliijka,waxa ayna ku baaqday in wadahadal diblomaasiyadeed iyo isfaham lagu xaliyo iyadoo la kaashanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xal u helida khifaadka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay waddamada Carabta.

Sooamaaliya waxa ay xubin ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wayn u soo dhaweeyay ,kuna bogaadiyay talaabada dhexdhaxaadka ah ee ay Dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafkaan diblomaasiyadeed ee ka dhexjira dowladdaha khaliijka.

 

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Dowladda Soomaaliya soo saartay.