Dawladda Soomaaliya oo La dagaallamaysa Tahriibka

289

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya waxa ay walaac xoog leh ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ee ay ku kacaan dhallinyarada Soomaaliyeed  oo qaarkood ay ku waayaan naftooda inta ay ku guda jiraan socdaalka , ama loola bareero dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi , jirdil iyo ku shaqeysi qasab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u aragtaa tahriibka mid dhabarka ka jabinaya jiilkii cusbaa ee dalku u baahnaa inay kaga qeyb qaataan dib u dhiskiisa  iyo horumarkiisa .

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kala kaashan doontaa Dawlado iyo hey’ado sidii loo dejin lahaa qorshe lagu xakameynayo socdaalka sharci darada ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay naftooda ugu biimeeyaan Wadamada Angoola, Koonfur Afrika, Yaman , Sucuudi Carabiya , Suudaan , Liibiya iyo Talyaaniga iyagoo ka tallaabaya dhul saxaro ah oo halis badan, Badweynta Hindiya , Badda Cas iyo Badda Mediterranean  oo doomaha cinjirka ah ee ay ku socdaalaan ay inta badan kula degto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa ay ugu baaqeysaa waalidiinta Soomaaliyeed  inay kaalin muuqata ka qaataan wacyigelinta carruurtooda , kuna baraarujiyaan qatarta tahriibku leeyahay.

Wasaaraddu waxa ay muujin doontaa dadaallo dheeraad ah  iyadoo la kaashaneysa qaar ka mid ah hey’adaha dawladda Federaalka Soomaaliya, dawladaha saaxiibka ah iyo Ururo Caalami ah si loo hakiyo gebi ahaan dhaq dhaqaaqa dadka wax tahriibiya , loona suura-geliyo in la horkeeno cadaaladda.