Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay caawinta Dadkii ka barakacay Guriceel.

187

Dagaaladii dhawaan ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,ayaa sababay barkac baahsan oo deegaanka ah,Dadka ayaana gaaray deegaano ka fog halka dagaalku ka dhacay.

Dadka ka barakacay deegaanka ayaa gaaray deegaano ay ka midyihiin Matabaan iyo Caabudwaaq halkaasi oo ay hadda ay deegaano kumeel gaar ah ka samaysteen.

Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble ayaa ugu yeeray Dowladda Soomaaliya in ay gurmad dedeg ah lagaarto Dadka xilligan ku dhibaataysan goobaha ay ku barakaceen.

Imaamka ayaa sheegay in looga baahanyahay Wasaaradda arimaha Gudaha Soomaaliya in Dadkaasi ay gaarsiiso caawinaad si ay u dareemaan in ay leeyhiin Dowlad.

Guriceel ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka jiray dagaalo u dhaxeeya ciidmada Dowladda Soomalaiya iyo Ahlusuna Waljameeca.