Dowladda Sweden oo $4 Million ugu deeqday Dib-u-dhiska Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka

958

Ogosto 14, 2015 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-faham la gashay Dowladda Sweden bisha August 12, 2015.  Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa wada galay Wasaaradda Maaliyadaha, Caafimaadka iyo Hawlaha Guud iyo Guryaynta, waxaana dhinaca kale ee dowladda Sweden iyo Hay’adda UN-ka ee UNPOS oo iyadu fulin doonto Mashruuca dhismaha.

Dowladda Sweden oo ka mid ah wadamada caawiya Soomaaliya ayaa Mashruuca dhismaha labada Wasaaradood ugu deeqday lacag dhan $4 Million oo Doolar.

Heshiiskan ayaa dhigaya dib-u-dhiska xarumihii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo sanadooyin badan burbursanaa. Labada wasaaradood ayaa in muddo ah dhib ka heystay xafiisyo la’aan iyagoo shaqaalahooda aysan heysanin goobo shaqo oo ay ku fuliyaan hawlihii loo idmaday.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa laga hirgelin doonaa degmada Shangani (xaruntii hore ee Aspima), halka kan Wasaaradda Maaliyadda uu ka soo horjeedo Hotel Curuba.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa sheegay in maaligelinta dhismooyinka ay wax-wayn ka tari doonto habsami u socodka shaqada Wasaaradaha, wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay Dowladda Sweden dadaalka ay ku bixinayso xaqiijiinta dib-u-dhiska xarumaha dowliga ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa iyana dhankeeda uga mahad celisay dowladda Sweden waxayna tilmaantay in mashruucan uu yahay mid la taaban karo oo wax weyn ka bedeli doono waxqabadka wasaaradaha.

Gebagebadii Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Sweden ee Soomaaliya Urban Sjostrom ayaa sheegay in dowladiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, mashruucana uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka labada dal.

Dib u dhiska labada wasaaradood ayaa la qorsheeyey dhismahooda in la soo geba gebeeyo horraanta sanadka cusub ee 2016, haduu Ilaahay idmo.

Dhamaad

1

2

3