Dowladnimadu Waa Inay Dadka Waxtarto!

349

Ereyga dowlad af-Soomaali ahaan wuxuu ka kooban yahay: ‘Daw’ oo ah jid iyo hab, iyo ‘Led’ oo ah ledid iyo in uu nooluhu galo nolol iyo deggenaasho nafeed. Is-rogrogidda ereyada ayaa saameeyay oo u jiiday dhanka af-Carabiga oo ka dhigay ‘Dowlad’, Daw iyo Led markii la isu geeyay waxaa soo baxay ereyga ‘Dawlad’ macnuhuna waa jidkii iyo habkii lagu nasan lahaa ee rafaadka iyo dhibaatooyika looga bixi lahaa.

Haddii aanay dowladnimadu ka turjumeyn macnaha ereygaas ee ay tahay kadeed iyo kurbo, maxaan uga baahannahay? Waxaa sax ah in aan helno hab kale oo aan u noolaanno.

Waxaa jira dhowr aragti oo ay dowladuhu ku sameysmaan, kaddibna ay ka soo baxaan laamaha dowladaha ee leh; fulinta, xeer-dejinta iyo garsoorka.

Mid ka mid ah aragtidaasi waxay qabtaa in dowladnimada iyo dhalashadeeda aanay dadku kaalin ku lahayn ee ay tahay mid ka timaadda xagga Alle, waxa keli ah ee dadka khuseeyaana ay yihiin in uu bini’aadamku sameeyo wixii la amro.

Mid kale ayaa iyana qabta in ay dowladnimadu ka soo billaabatay markii dadka xoogga iyo dhaqaalaha haysta ay qabsadeen dadka taagta daran oo ay maamuleen iyagoo ku cabsi gelinaya in haddii ay waayaan maamulka xoogga ku dhisan ay nafta iyo nolosha waayi doonaan, sidaas awgeed waxa ay cabsi joogta ku sii hayaan shakhsiyaadka si ay u sii joogaan talada, taasina waa aragti ay dowladnimadu ku dhisanto, hase yeeshee markii ay xoogeysatay cilmi-baarista iyo ilbaxnimada ismaamulidda ayaa aragtidaas loo aqoonsaday keli-talisnimo.
Aragti saddexaad ayaa jirta oo ku saabsan billowga iyo habka ay dowladnimadu ku dhisanto, taas oo qabta in dowladnimadu ay ku soo billaabatay si aanay cidina ka shaqeyn, waxaa loo yaqaan aragtidan, aragtida dabiiciga ah ee billowga dowladnimada, waxay qabaan aqoonyahannada leh aragtidani in ay dowladnimadu si dabiici ah uga dhalatay nolosha caadiga ah ee dadka, oo markii ay dareemeen in aanay keli keli u noolaan karin isu tegey oo sameystay hoggaan si koox koox ah, iyadoo kooxihiina ay isutageen, kaddibna at sameysteen hoggaan leh madaxbannaani iyo awood uu wax ku maamulo.
Aragtida billowgii sameysiga dowladaha ee ugu meelmarsan waxaa la yimid Islaamka, kaddiba waxa daah furay cilmiga bulshada oo ku sameeyey cilmibaaris iyo dabagal weyn, waxa loo yaqaan aragtidan: Heshiis bulsho (Social contract). Waa midda maanta ka shaqeysa adduunka intiisa badan, waxay qabtaa in uu heshiiskaas ku saleysan yahay danaha dadka la xukumayo.

Tusaale ahaan, billowgii heshiiskan koox dad ah ayaa ku heshiiyay inay dowlad sameystaan, waxay soo xusheen dadkii hoggaamin lahaa, kaddibna waxay la galeen heshiis ah inay ka shaqeynayaan danahooda iyo ka jawaabidda baahidooda nabadgelyo, garsoor iyo ka shaqeysiinta kaabeyaasha noloshooda sida in dadka la kala celiyo oo kuwa dhibaya la xiro, isla markaana lagu biilo xarigga, iyadoo aan naf ahaan iyo jir ahaanba wax loo dhibeyn, heshiiskaas dhexmaray madaxda iyo dadka ayay ka soo baxday dhalshada dowladnimada.

Dadka aragtidaas ku sameeyay horumarinta, qaarkoodna meelmariyay waxaa ka mid ah Cumar Binu Qaddaab iyo faylasuufka Thomas Hobbes, Cumar wuxuu gaaray in dadkii taagta darnaa ee ku noolaa magaalada Madiina uu isagu la falgalo oo uu ogaado kaddibna ka jawaabo baahidooda.

Thomas Hobbes wuxuu aragtidan ku sameeyey horumarin isagoo wax badan ka qoray in bulshada iyo madaxdu ay galaan heshiis ku saabsan xukunka iyo faa’iidada ay la xukamayaashu helayaan si ay u aqbalaan hoggaanka xukumayaasha, waana taas tan maanta ay ku sameeyeen horumarka dhanka xasilloonida siyaasadeed.

Afar sano ka hor meel Garoowe u jirta 25 km ayaan kula kulmay nin da’ ah oo ii sheegay in uu gelayo sanadkii 78-aad, waxaan tuuladaas u tagay si aan u ogaado waxa ay dadku ka yaqaannaan dastuurka hadda KMG ah. Odaygu wuxuu ii sheegay in uusanba dooneyn dastuur iyo dowladnimo midna! Waxaan weydiiyey sababta?

“Dowladdu soo ma aha tii berkadaha iyo ceelasha biyaha iga aasi jirtay, marna geela iga xareysan jirtay? 20 sano ka hor ayaa iigu dambeysay berked la iga aaso iyo geel la iga xareysto” ayuu iigu jawaabay!

Sababaha looga qaybgalo siyaasadda dalkeena oo aan ogahay in ay kamid yihiin si dhaqaale la sameeyo ama dano kale la difaaco ayaa saameyn weyn ku leh dadkeenna gelaya siyaasadda.

Jiritaanka dowladda waxaa haga hadba inta ay la eg tahay awoodda ay dowladdu u leedahay u adeegidda dadkeeda, haddii ay taas ka gaabiso waxa lumaya sharciyadda magaca dowladnimada, haba muuqdaan madax magacyo leh oo meelaha ka sheega in ay yihiinn dowlad.

Bal ka waran marka madaxda iyo ciidanka dowladda aan dadkeeda siin karin adeeg, ay ku dhibaan muwaadiniinta nolosha ama ay ka xiraan jidadka, ama ay ka celin waayaan ciidankooda dhibaya muwaadiniinta nolol-doonka ah ee ka shaqeysanaya suuqyada.

Dhaqanka ah marka aad xil qabato waalo oo xisaab la’aan soco! wuxuu soo billowday markii aan weynay hannaanka xadeeya ilaa iyo heerka ay madaxdu adeegsan karaan awooddooda, taasna waxaa ka dhashay in muwaadin wata mootada saddex lugaaleyda ah, mid riixaya gaari gacan iyo mid lugtiisa maalayaba ay jidadka mari waayaan si ay u raadsadaan adeeggii ay ahayd in xukuumaddu bixiso oo leh, waxbarasho, caafimaad, garsoor iyo u shaqeysiga si xasilloon.

Dhismaha xukuumadihii ugu dambeeyey waxaa soo galay dad yar oo aad u fiican, kuwaas oo shaqooyin guuleystay ka soo qabtay meelihii ay maamulayeen ama ay qaybta ka ahaayeen, hase yeeshee markii ay ku biireen siyaasadda iyo hoggaaminta dalka, halkii ay ahayd in ay saameeyaan oo ay wax ka beddelaan dhaqanka ah haddii aad xil hayso xisaab la’aan soco ee dillooday dowladnimada, waxa dhacday in iyaga la saameeyo oo ay la yimaadaan dhaqankii ay u tageen mid ka liita.

Marka ay madaxdu dhaqan xumada siyaasadeed keenaan waddooyinka iyo goobaha ay dadweynuhu joogaan ama ay hilmaamaan in ay yihiin adeegeyaal ummadeed waxaa dhacda in ay socdaan xarig iyo dabar la’aan, taas oo iyaga u soo jiidda dheg xumo, dadweynahana u horseedda kalsooni la’aan, waxaas oo dhammaan marka la isu geeyo soo baxa in maalin walba ay xilka iyo talada ummadda yimaadaan isma-dhaanto iyo dhiggeed.

Haddii ay dowladnimadu tahay nidaam iyo hab nololeed lagu ledo sow ma ah in ay dowladnimadu dadka waxtarto?

Qore: Axmed Ciise Guutaale