Dowlad gobaleedyada iska soo horjeedo ee Baydhaba looga dhawaaqay oo khilaaf xoog leh ka dhex abuuray Xukuumada Soomaaliya

231

War murtiyed kasoo baxay xafiisla Ra’iisal Wasaaraha Cabdi wali sheekh Axmed ayaa waxaa lagu cadeeyay aragtida Dowlada Fedaralka Soomaaliya ee ku aadan maamulada iska soo horjeedo ee lagu dhisay magaalada Beydhabo.warkaas ayaa Xukuumada waxay uga digtay maamuladaas iyo dadka kala taageersan inay kudhaqaaqaan rabshado amniga deegaanka qalqal galin kara, iyada oo ku hanjabtay in cidii ay ku cadaato fal ceynkaasa iyo in ay masuul katahay laga qaadi doono tilaabo adag oo sharciga waafaqsan. waxaa kaloo Xukuumadu sheegtay in ay amar buuxa siineyso ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM in ay ku dhaqaaqaan si dag dag ah tilaabo kasta oo ay kusugayaan amaanka gobalkas iyo nabad galyada dadka, ugana hortagaan wax walba oo qalqal galinaya amaanka deegaankaas.
waxaa kale oo Xukuumada ay ugu baaqday dhamaanba qeybaha isku haya siyaasada iyo odayaalka dhaqanka ee Beydhabo in ay isugu yimaadan kulan wada xaajood ah oo arimahan xal loogu gaarayo.
waxaana warka intaas raaciyay in Dowlada ay qabanqaabineyso masulna katahay qorshaha maamulka loogu dhisayo gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelaha hoose isla markaana ay dajinayso dariiqa loo marayo maamulka goboladaas,waxaana intaas laraaciyay in Ra’iisal Wasaaraha oo kaashanaya afhayeenka barlamaanka in uu hogaamin doono abaabulina doono maamulka loogu dhisayo maamuladaas.
hadaba dadka indha indheeyo siyaasada Soomaaliya ayaa waxay layaaban yihiin sababta ay Dowlada go’aankeeda xiligan ugu soo beegtay, iyada oo aanan ka hadlin sadex maamul gobaleed oo sadex madaxweyne leh intii gobaladaas laga dhisaya, xukuumada Cabdiwali sheekh Ahmed maxey qabaneysay iyo maxey ku maqneed xiligi dagaalada iyo isqab qabsigu jiray miyaysan taasi muujineyn maamul xumada iyo hogaan xumida iyo walliba go’aan qaadasho la’aanta xukuumada Cabdi wali sheekh ahmed.
qoraalka xukuumaa kasoo baxay ayaa waxaa uu muujinayaa in ay si buuxda u taageersantahay dhismaha Dowlad goboleedyada ee sadaxda maamul Bay,Bakool iyo Shabeelaha hoose. halka sidoo kale waxaa la isweydiinaya sababta ay u taageertay go’aanka sadexda maamul iyo sharciga ay u cuskatay dhismaha sadexdaas gobol iyada uu jiro sharci kasoo baxay barlamaanka oo madaxweynuhuna saxiixay oo sicad u qeexaya nidaamka dhisada maamul goboleedyada taas oo xukuumada Cabdiwali ay si cad u jabineyso.
gabagabadii, maxay tahay sababta Ra’isal wasaaraha Cabdiwali iyo gudoomiye Jawaari ay masuul uga noqonayaan maamul usameynta goboladaas iyo sababta ay u garab marayaan sharcigaas. sidoo kale ilo xog ogala ah oo ay heshay xaqiiqa.com ayaa sheegaya in ay arintaani muujineyso khilaaf baaxad weyn oo sookaa dhexgalay R’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa iyo madaxweynaha taas oo cadeyneyso erayga war murtiyeedka kujiray oo ah in Raisal wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamanka Jawaari ay hogaamin doonaan masuulna ka noqonayaan qorshaha maamul usameynta sadexda gobal ee Bay,Bakool iyo Shabeelaha hoose.
www.xaqiiqa.com
waxaa qorey: Xaaji nuuraani.