Drs. Maryan Qaasim oo is casishay

234

Wasiirka Wasaaradda gargaarka ee Xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa goor dhow ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkii Wasiirnimo  ee  ay ka haysay xukuumadda Soomaaliya.

Maryan Qaasim ayaa ka mid aheyd Wasiiradda uu soo Magaacay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre markii xukuumadda lasoo dhisay.

Wasiiradda ayaa Twitterkeeda ku sheegtay in ay xilka iska casishay mana bixin Faahfaahin badan.

Horay ayaa waxaa isku Casilay Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid  Cabdullahi Maxamed.