Duco iyo Talo doon!

1819

mohamed

Asalamu alaykum sheikh waxan ka mid ahay dadka sida aadka ah ugu xidhan bagekan, run ahaantii waxyaalo badan baan ka faa’idaystay talooyinka wax ku oolka leh eed had iyo goor dhalinyarta aad siiso, Alle khayr iyo xasanaat hakaa siiyo sheikh.

Hadii aan u imaado codsigayga oo isugu soo ururaaya

Talo inaad isiiso Inasoo ducayso

…waxan ahay arday wax ka barta jamaacadaha Asia, waxaan is jecelnahay gabadh go’aana waxan ku gaadhnay inan mustaqbal wadaagno sheik jaamacadu iimay dhamaan iyadana sido kale sidasoy tahay duruuf ayaa nagu gadaaman oo ay ugu horayso anigoo ka cabsi qaba macaasi inaan ku dhacno.

 

sheikh mudo waxuu arinku sidaas ahaadaba haday ka firsanwayday Inaan xaafadeheenii inan is guursano u sheegno kuna calool adaygno waalidku siduu ku taliyo Maadaamo talada ugu danbaysa waalidku leeyahay .

Guntii iyo gunaanadkii sheikh waxaan jecelahay inaan kaa Codsado labo qodob:

 

1.sheikh dar ilaahay baan kuu jecelahay ee inaad noo soo ducayso Inuu ilaahay Howshan guurka khayr noogu dhameeyo iyo guuul

 

2.Sheikh hadii sida aan wax u wadno noqonwaydo oo ama dib u dhac ku imaado ama no hirgali waayo ,,maxaa ila gudboon inaan sameeyo Maadaman Aad u jecelahay gabadhan lakin taladaada ayaan qaadanayaa anoo huba inaan talo wanaaga kaa helayo oo ku salaysan Aqoonta badan eed diinta u leeday iyo ta waayo aragnimadaada .. shekh alle ha ku sharfo aduun iyo aakhiraba wasalaamu alaykum waraxmatullah.

Www, Adeer Ducada ayaan kuu hormarinayaa ee Ilaahay khayr iyo Barwaaqo hakugu nooleeyo, cilmi naafica iyo camal saalixana haku waafajiyo, Guur wanaagsan oo khayr qaba oo aad ku degtana Allaha ku siiyo.. Intaa ka dib, Arrinta ku haysata, waa laba qodob marka laysku soo urursho:

1) Guur inaad u baahantahay, si aad macsi uga badbaado, welina tacliinta ayaa hortaagan.

2) Gabadha aad jeceshahay ee qalbiga hadda kaaga jirta inaad nolol la wadaagto.

Labadaa arrimood ee ku haystaa wexey ku fiicnaan lahayd inaad kulansato, hadii ehelku idinla garto, duruuftuna saamaxdo, waa sida ugu fiican, oo aad ujeedooyinkii ku wada gaari karto, tacliintii dhamaysato, gabadhaad jeclayd aqal idin kulmiyo, xumaanna ka badbaado..

laakiin adduunyada sida looga bartay mar walba waxa aad wada doonto ma wada hesho, marbaad laba heshaa, mar baad hal heshaa, mar baadan waxba ka helin wixii aad rabtey.. mar walbana wixii ilaahay kuu qoray kuma gafaan, waana sida khayrka kuu ah, taasaana niyaddu ku degtaa..

Guurku waa shey muhiima diinta, waana diintaada nuskeed sida xadiiska ku cad, oo markaad guursato diintaadi nuskeed guurka ayey kuugu badbaadaa, nuska kale ilaahay uga baq.. Culimaduna wexey u qaybiyaan guurka saddex darajo: Mar uu Waajib Yahay, Mar uu Sunno Yahay iyo Mar uu shey bannaan yahay.. Adiga xaalkaaga inta aad iiga sheegtay, waxaan filayaa inuu waajib kugu yahay inaad guursato, mar haddaad aad ugu baahantahay, macsina ka beqeyso, waa markii xajka nafaqadiisa guurka laga hormarin jirey..

Sidaa darteed waxaan ku talin lahaa inaad reerka u bandhigtaan, in sida ugu dhaqsi badan laysugu kiin faatexeeyo, laydiin agaasimo, nikaax xalaal ahna sheekadu ku macaanaato..

Hadii Arrinkaasu suurta galo waa sida aan kula jecelnahay, adigoo tacliinta wata, duruufta kalena ilaahay ayaa sahlaya, xitaa khasab maaha, aroos iyo alalag in hadda la dhigo, ama guri la sharroxo, arday baad tihiin, qurbaad joogtaan, hal qol ayaa idinku filan, amase meelihiinaba kala degganaada, wax badan ayaan arkay arday isu xalaala oo midba campus degganyahay, markey u suurta gashana is arka, alla yabaarik..

Haddii taasi suurta geliweyso, ama caqabad reerka, ama gabadha, ama wax kaleba, waxaan laga maarmi hayn inaad guur xalaala meel kaloo diyaara ka raadiso, waayo guurku markaan waa priority, sheekadii jacaylka aan dhamaystirminna halkaa ku ekaato maadaama nikaax la’aan ay khatari ku meerantahay, in la kala nabad galo ayaa wanaagsan, marar badanna waan sheegay jacaylka hore ee is barashada waxaa ka adag midka nikaaxa ka dib yimaada..waa laga yaaba inuu ikhtiyaar adag noqdo, laakiin sharciga iyo caqligu markaan wax kale nama tusayaan, wabillaahi tawfiiq..