DUMAR ILMAGALEEN AYSAN LAHEYN LAGU GUULEYSTAY IN LAGU TALAALO DALKA SWEDEN

506

SAGE News PictureTechnaloojiyada casriga ah ee maanta lagu talaabsaday ayaa waxay suura galisay in lagu talaalo dumarka ilma galeen aysan laheyn, taas oo aad u soo jiidatay dumarka dunida daafaheeda kunool,
Dhakhtar u dhashay Dalka Swedan ayaa laga soo xigtay , in uu ku guuleeystay afar dumar ah oo udhashtay isla Dalkaas in ilmagaleen aysan lahayn lagu beeray jirkooda ,iyada oo isla markaana haatan suurta gashay in ay qaadaan uur ama xamli,
Tani oo ah tijaabo in badan dhakhtarkaan uu ku dadaalayey ayaa hada waxay noqotay mid uu ku guuleeystay, sidoo kale tan ayaa ah fursad hindise cusub oo dumarka ku nool daafaha dunida u suurta galineeysa in tiknoolijiyada casriga ah ee haatan sahlan kaga faa’iideystan dhinaca ilma raadinta, iyada oo dumarka ka quustay dhalmadana lagu beeri karo ilmo.
Sikataba ha ahaayte, Laga soo bilaabo sanadkii 2012 , ilaa iyo haatan ku dhawaad 9 ( sagaal) dumar ah ayaa lagu guuleestay in lagu talaalo ilma galeen qalaad , kuwaasi oo ay ugu yabooheen in lagu talaalo dumar ay qaraabo ahaayeen ,
sida laga soo xigtay dhakhtarkaas u dhashay Dalka Sweden. Haweeneeyda marka hore habka loo yaqaano Bacriminta ayaa lagu sameynayaa kani , ka hor in ta aan lagu talaalin minka qalaad oo afka qalaad loogu yeero ama lagu magacaabo(in-vitro-fertilization) waxaana la isticmaalayaa ugxanta korkeeda uu EEBE ku beeray ee dabiiciga eh.
Kala soco marwalba xog xaqiiqa ah.
www.xaqiiqa.com