Duqayn lagu dilay xubno ka tirsan al-Qaacida oo ka dhacday dalka Yemen

356

4ba2a8bf4567488dac29faf4802dba22_18

Duqayn dhanka cirka ah oo dowladda Maraykanka ay ka fulisay bartamaha dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Shan ka tirsan Saraakiisha al-Qacida ee ka howlgasha dalkaasi.

Telfishinka Aljazeera oo soo xiganaya Website lagu magacaabo Ajel, oo ka soo baxa dalka Yemen ayaa waxaa uu sheegayaa in duqayn is daba joog ah oo gobalka Marib ee dalka Yemen Maalmaha Sabtida iyo Axadda maanta lala eegtay gawaari ay saarnaayeen Shan ka mid ah xubnaha al-Qaacida.

Gawaarida la duqeeyay ayaa la sheegay in sidoo kale ay hub u wadeen kooxda ka dagaalanta Yemen ee (AQAP) oo ka tirsan ururka al-Qaacida.

Duqayntan ayaa timid 24 saac ka dib markii duqayn lagu dilay sarkaalka kooxda AQAP u qaabilsanaa gobalka Shabwa.

Tan iyo 28 bishii February Maraykanka Yemen ka fuliyay in ka badan 70 duqayn oo lala bartilmaamaysanayay saraakiisha al-Qaacida ee Ku sugan dalka Yemen.

Dalka Yemen ayaa qalalaaso ka taagan tan iyo markii Xuuthiyiinta iyo ciidanka Madaxwaynihii hore dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ay la wareegeen dalkaasi intiisa badan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay 10,000 oo qof kala barba ah dad shacab ah ay Ku geeriyoodeen dalka Yemen tan iyo 2015 kii.