Duulimaadyada tooska ah ee Soomaliya iyo Kenya oo maanta bilowday

280

Duulimaadkii u horeeyay oo si  toos ah uga baxa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee  Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu si toos ah uga degto Garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaana Maanta si toos ah u dhaqan geli doona Heshiiskii ay Maalmo ka hor ku wada gaareen dalka Kenya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Diyaarada ka baxda Muqdisho ayaa sii mari jirtay degmada Wajeer , waxaana dhib ku qabay dadka Soomaaliyeed ee u socda dalka Kenya.

Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya ayaa Daahfuray Duulimaadkii ugu horreeyey oo Toos ah magaaloyinka Muqdisho & Nairobi, Munaasabad lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.