EHELU DIINKU MIYEY SIDAA U DHAQMAAN…(2)

299

shiikh_Idiris Qaybta….2aad

Gabadha oo sheekadii meeshii kasii wada wexey tiri:

Waxaan ku idhi dadkuu ilahay qurankiisa ku yidhi HU, ayaa isu tihiin ayeynu nahay, lagama yaabi inan af iyo adin midna kugu dhibo, ilahay baa kuu baneeyee bal dadaal uun, gurigii uu laha waan kuu dhisayaa been buu noqday, labadii qol ee aan deganaa aniga iyo ubadkaygu ayan iska hagaajistay, ilaa wakhtigaa wlaalkay ayaa igu biila, noloshayda lamuu wareegin, ilmii labaad ayaan qaaday, waxaa isoo gashay lacag yar oo dhaxala, wakhtigaa waxay noqotay tigidh, wadan kii waan ka soobaxay, waxaanu ku heshiinay in ubadka ehelkayga kaga tago, isna kaga war hayo, aniga oo xero ku jira oo markaa umulay ilmii labaad ee aan u dhalay, waxaan maqlay in uu laba dumara mar qudha wada guursaday, markan waan carooday, waayo markii horaan dul qaatay, waan wacay waxaan ku iri intaasoo jer baad i khiyaantay, intaasoo jeer ayaad been ii shegtay, ma tihid qof ilaahay ka cabsanaya, ma tihid mid masuul qaadi kara, i fur!

Wuxuu ii dedejiyay maxaan kugu falayaa! usoo sheego cidiina inaad rabto warqadaada! wuu dhiibay warqadii, meherkii wuu diiday, ubadkiisii inuu wax igu siiyo wuu diiday, ilmihiisii oo magaalo la jooga weliba xaafad la degan hal sano muu arag, waxna muu tarin, iska dhaaf kuwuu balanta igula galay, mar labaad maan moodayn dadka diinta u saaxibi inay sidaa beenta iyo khiyaamada u yaqaanan.

Ugu dambayn ilmahaygii laba sano maan arag, sharcigii maan qaadan oo ma soo kaxaysan karo! hooyaan ahay oo qalbigaa i huraaya! waan welwelayaa, waan niyad jabsanay, hadana ilahay qof ku xiran baan ahay, cibaadada digriga quran akhriska iyo ducada kama daalo, sheekh marka hore si niyada iigu ducee adiga iyo umada kale ee wllaheen ah in ilahay si khayr qobta oo degdega aniga iyo ilmahayga isugu kaaya keeno ubadkna iigu duceeya in ilahay ubad saalixa iiga dhigo wixii talo ahna waan kuu sugaa waabilaahi tawfiiq..

=====================================

Gabadhaas Waxaan iri:

Walaal horta waan ducayneynaa ilaahay murugada iyo hammiga hakaa dul qaado, adiga iyo caruurtaadana nabad qab ha isku kiin tuso, sidii khayrka kuu ahna adduun iyo aakhiro ilaahay hakuu fududeeyo..Boogaha ku xanuunayana Allaha kuu dhayo, oo khayr iyo barwaaqo kuugu bedelo..

Walaal xagga talada haddaan u soo noqdo.. Qisadaada markaan akhriyey sidaad iigu werisey hadey tahay anigoo wax ku dhisaya, waxaa dhacay dhawr qalad oo haatan in duruus laga qaato mustaqbalka mooyee aan wax loogu noqdo lahayn..

Guurkii hore ee dhalinyaranimada wuxuu ku dumey si fudud sida aad adiguba sheegtay, waana arrin ilaa iyo haatan dhalin yara badan ka dhacda in guurkoodu u dumo arrimo aad u fudud oo la xallin karo, ama laga wada hadli karo ama laysugu sbri karo..

Waxaa kaloo qaladku dhacay markaad hore u aragtay ninka aad ka sheegatay, ilmihii hore markuu kugu hilmaamay, haddana isla meeshii ayaad ku noqotay iyadoon wax is bedelii jirin, ilmahaas kalaana qornaa.. Ninka aad ku sheegtay inuu yahay Eheludiin hadana wax badan dhiba ka sheegatay, wexey u muuqataa in qiimayntaadu markii horeba aaney xaqiiq dhaba ku dhisnayn, iyo qof laga baaraan degey oo lasoo ogaadey backgroundkiisa.. ama wixiisii hore, laakiin muuqaalka laga yaabee inaad ka raacday, qofku haduu ehelu diin dhaba yahay, wuxuu ilaaliyaa xuquuqda, cidna ma dulmiyo, laakiin dad waxaa jira muuqaalka keliya uga eg eheludiin, laakiin dhaqankoodu aanu fadhiyin..

Qaladka kale wuxuu dhacay markaad ninkii iyo ilmihiiba kasoo tagtay oo dhoof keligaa gashay, adigoo gabar Ehelu diin ah oo sharciga taqaan, isaguna weyba muuqataa inuu nin jilicsan ahaa, markuu kusoo fasaxay, kadibna wax aad ogayd inuu dhacayo ayaad ka xanaaqdey, iyo nin aad ogayd gurigu inuu fartiyo suulka caaradooda u saaranyahay..

Waxaan rajaynayaa walaal wixii dhacay inuu ilaahay kafaara gud kaaga dhigo, caruurtana kuu barakeeyo, waxaan kugula talin lahaa hadey suurta gal tahay oo ilmihii kuu iman waayey, inaad caruurtaadii iyo gurigaagii u noqoto, oo sidii niyadaadu awalba ahayd aad dhexda u xirato sidaad u korsan lahayd caruurtaada, inshallaahu haddaad tarbiyadooda iyo wax barashadooda ku dadaasho berri iyagaa ku anfici doona inshallaah, waa inaad maanta beerta ka shaqayso, iney hooyadood helaan, la noolaadaan, aaba la’aan iyo hooya la’aan yey isugu darsamin, ka dibna cuqdad aaney ku noqon, ilaahay ayaana arzaaqda bixiya, oo awalba markaad garoobka ahayd walaalkaa khayr allaha siiyee kuma dayicin oo wuu ku biilayey, haddana riziqiinu wuu qoranyahay, meeshan keligaa aad ku silicsantahay iyo kaamka isaga tag hadii aadan sharci ka helin, waxaa dhici karta inaaney khayr kuu ahayn adiga iyo caruurtaada oo ilaahay kaa celinaayo dhib aadan ogayn mustaqbalka, mar walbana sida ilaahay inoo qoro ayaa kheyrkeennu ku jiraa, waxaan hubaa hadaad caruurtaadi iyo dhulkaagi iyo diintaadii u tagto inaadan ka qoomamaynayn inshallaahu, ilaahay walaal haku kheyro adiga iyo ubadkaaga, wabillaahi tawfiiq..

Qore: sheikh Mohamed idris.

kala soco sheekooyin xaqiiq ah oo mudan ku cibra qaadasho

www.xaqiiqa.com