Eng. C/qaadir Carabow, oo lagu doortay Jowhar

255

Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta markale ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Eng. C/qaadir Carabow oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku guulaystay kursiga Jufada Daa’uud ee Beesha Abgaal, kaasi oo  helay 31 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Maxamed Axmed Beerey, uu helay 20 cod.

Musharaxan laga guuleystay ee Maxamed Axmed Beerey, ayaa waxaa watay sida la sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale, oo la sheegay in lacag fara badan uu geeyay Jowhar, si uu u soo saaro, balse waa uu ku guuldareystay.

Baarlamaankan cusub ayaa waxaa ka soo muuqday dhalinyaro wax baratay oo fir fircoon, iyadoo taariikh cusub ay dhigeen dhalinyaradii ku guuleysatay kuraastii aqalka Hoose ee deegaanada maamul goboleedyada.