Ereg: shabaab oo ‘shar soo wada’

332

Al-shabaab

Khudbad laga sii daayay telefishenka ay dawladdu maammusho ayuu kaga digay wasiirka amniga qaranka Soomaaliya, Khaliif Axmed Ereg in dagaalyahanka Al-shabaab ay qorsheynayaan wuxuu ugu yeeray ‘weeraro naflacaari ah’ oo ay la beegsan doonaan xarumo dawladdeed, caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Wasiir Ereg wuxuu soo xigtay warar iyo macluumaad muujinaya in shabaab ay soo qaadayaan weeraro aargudasho ah kaddib dilkii hoggaamiyahoodii, hase ahaatee buu yiri ay ciidamaddu heegan ugu jiraan ka hortaga falalkaasi laga cabsi qabo inay ka dhacaan gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ereg ayaa sidoo kale ugu baaqey ragga weli u dagaallama Shabaab inay isu soo dhiibaan dawladda dhexe ee Soomaaliya si ay u helaan nolol wanaagsan.

Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa wejihaysa dagaalkii ugu weynaa abad – ma ahan oo keliya duqeymaha cirka ee Maraykanka, balse AMISOM oo kaabaysa ciidamadda dawladda ayaa duullaan dhinaca dhulka ah ku qaaday deeggaanada ay maammulaan ururkaasi.

Shabaab ilaa iyo imminka si cad uma shaacin geerida Godane iyo cida beddeli doonta.