Faahfaahin ka Soo Baxayso Qarax ka Dhacay Hotel Central

235

Qaraxan loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay gudaha Huteelka Central. Qaraxan ayaa wax yeelo ka soo gaartay Dadkii ku sugnaa gudaha Hotelka oo xilligaasi Salaadda Jimcaha ku tukanayay masjid ku yaala gudaha Hoteelka .

Qaraxan ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday laba mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Gudoomiye Ku Xigeenkii Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Aaadan Guuleed (Caana Geel) iyo dad shacab ah oo kusugnaa gudaha Hoteelka.

Dadka dhaawcyada soo gaaray waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cumar. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dhaawac uu soo gaaray Wasiirka Duulista Hawada oo aan si buuxda wali loo xaqiijin.
Xildhibaanada geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cumar Durguf iyo xildhibaan dhawaan lagu bedelay booskii ay ka geeriyootay Xildhibaan Saado Cali Warsame .

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari, uuna geestay khasaaro badan oo soo gaaray Mas’uuliyiin iyo Dad shacab ah.

Wixii soo kordha kala soco Xaqiiqatimes.com