Faadumo Qaasim Dhayib(Faadumo Deqo) oo ka tirsan murashaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in ay ka hartay tartanka madaxtinimada Soomaaliya sanadkan 2016-ka.
Waxaa ay sheegtay in qalad loo fasirtay waraysi ay siisay wargayska The Washington Post oo ka soo baxa dalka Maraykanka.
Gabadhan oo ah gabadhii ugu horaysay ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya isu soo sharaxda ayaa sheegtay in wax is-dabomarin badan oo dhanka doorashada ah ay ka jiraan Soomaaliya.
Dhayib, waxaa ay cadaysay in ay caddeyn u hesyo eedeymaha ay ka sheegeyso in ay ka dhaceen doorashada 2016-ka,.
Faadimo Dayib waxaa ay sheegtay inay madaxtinimada u tartami doonto xataa haddii arrimahaas wax laga qaban-waayo.
Ugu dambeyntii waxaa ay ka jawaabtay su’aalo ku aadan in ay aqoonsan doonto natiijada doorashada haddii laga adkaado iyo doorashada kadib in ay dibadda aadi doonto ama in ay dalka ka shaqeyn doonto.
XIGASHO Goobjoog news
Halka hoose ka dhageyso wareysiga 0o dhameystiran: