Faah-faahin ka soo baxaysa toogashooyin ka dhacay Florida

218

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogashooyinka ka dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaala Florida ee dalka Maraykanka.

Qof hubeysan ayaa la sheegay rasaas ku furay dad rakaab ah oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Fort Lauderdale-Hollywood ee Florida,  isagoo ku diley shan ruux siddeed kalana dhaawacay kahor inta Booliska aan gacanta ku dhigin.

Ninkan ayaa ka soo degey diyaarad waxana uu boorso uu watay kala soo baxay qori kadibna waxa uu bilaabay inuu rasaas ku furo rakaab ku sugnaa qeybta ama Taminalka lagu baaro boorsooyinka.

Booliiska oo shir jaraa’iid qabtay ka dib dhacdadaasi, ayaa waxaa ay sheegeen inay xabsiga dhigeen ruuxa kaliya ee ku lugta lahaa rasaasta ka dhacday garoonka Fort Lauderdale.

 

FBI, da dalka Maraykanka ayaa aqoonsatay ruuxa falkaasi ka dambeeyay waxaana   lagu sheegay magaciisa Esteban Santiago   oo ah 26 sano jir watayna aqoonsiga Ciidamada Milatariga Maraykanka.

FBI, da ayaa waxaa ay sheegeen in Esteban Santiago uu dhowaan la timid dalka Canada, waxaana uu ka mid ahaa askartii Maraykanka ee kasoo dagaalamay dalka Ciraaq.

Waxaa ay intaa ku dareen la baarayo hadda caafimaadkiisa dhanka maskaxda.

 

weerar-markan-1

weerar-markan-2

weerar-markan-3

weerar-markan-4

weerar-markan-5weerar-markan-6

weerar-markan-7