Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku geeriyootay in ka badana waa ay dhaawacmeen keddib markii shil gaari uu ka dhacay waddada Daaru Salaam ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Gaarigan shilka galay ayaa noociisa lagu sheegay Toyota Spacio Taarigadiisuna ay ahayd AE4830.
Booliiska Magaalada Mugdisho oo goobta shilka uu ka dhacay gaaray ayaa qasaaraha dhimasho ee ka dhashay shilkaasi ku sheegay inuu yahay 3 ruux iyo 4 dhaawac ah kaasoo ka duwan tirada ay xaqiijiyeen dad indhahooda ku arkay khasaraaha halkaasi ka dhashay.
Xog uu helay Wargeyska Xaqiiqatimes ayaa sheegaya in gaariga uu jiiray dhallinyaro kubbad ku ciyaaraysay agagaarka waddada Daru-Salaam. Darawalkii gaariga ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday keddib markii shilka uu dhacay.
Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Gobolka Banaadir Janaraal Bishaar Abshir Geeddi ayaa wariyaasha u u sheegay, inay Gacanta ku hayaan Baabuurka Dadka laayay,isagoo intaa raaciyay iney laamaha ammaanku ku raad joogaan wadihii gaariga.
Dadka deegaanka oo aan la hadalnay waxa ay sheegayaan in gaariga uu ahaa mid daraawalka uu ku guul daraystay inuu xakameeyo isteerinka gaariga, taasi oo keentay inuu waddada ka leexdo oo uu jiiro dhalinyerada kubbadda ciyaaraysay.