Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Jilib

189

Gawaarida-AlshabaabSida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya ayaa weli baaritaanno waaweyn ka wada gudaha degmada Jilib ee gobolkaasi J/dhexe, halkaasoo ay duqeymo kala duwan ka geysteen diyaaraddo dagaal oo la tuhmayo inay lee yihiin ciidamadda difaaca Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilaa iyo imminka si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ay diyaaradduhu la beegsadeen saldhiggii hore ee booliska iyo xarun kale oo ku taala duleedka Jilib waxayse markii danbe ciidamadda Shabaab iyo taliyeyaashoodu ay xireen guud ahaan waddooyinka soo gela iyo kuwa ka baxa degmadaasi.

Al-shabaab ayaa wejihaya duullaankii ugu weynaa abad ma ahan oo keliya duqeymaha cirka ee Maraykanka, balse AMISOM oo kaabaysa ciidamadda dawladda ayaa dagaal dhinaca dhulka ah ku qaaday magaalooyinka ay maammulaan ururkaasi.